Warar Ganacsi

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Oo La Doortay

Doorashada Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo ku xigeenadiisa ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho. Doorasadan waxaa ka qeyb galay ergo ka socotay todobo rug ganacsiyeed oo dalka ka jira, waxaana doorashada ka hor ay ergada meel mariyeen xeerka rugta ganacsiga oo si gacan taag ah ay u ansixiyeen 62 ergo. Ansixinta kadib waxaa la guda galay doorashada guddoonka rugta ganacsiga waxaana xilkaas isusoo taagay sadex musharax oo kal ah: Maxamuud Cabdikariin Gabeyre, Ibraahim Abuukar Amiir Shaamow iyo Bashiir Maxamad Cilmi. Wareegii koowaadba waxaa tanaasulay Ibraahim Abuurkar Shaamow oo kamid ahaa sadexda musharax ee xilkan isku soo sharaxay. Waxaana sidaas wareegii labaad ug gudbay labadii musharax ee kale. Doorashada oo u dhaceysay qaab ganactaaga ah ayaa waxaa wareeggii 2’aad 54 cod helay Maxamuud Cabdikariim Gabeyre halka Bashiir Maxamuud Cilmi uu helay 8 cod oo kaliya. Sidaa darteed waxaa xilka gudoomiyenimo mar labaad ku guuleystay Maxamuud Cabdikariim Gabeyre. Musharaxa laga guuleystay Md. Bashiir Maxamuud Cilmi oo madasha ka hadlay doorashada kadib ayaa sheegay in uu ku qancay natiijada doorashada, waxa uuna ballan qaaday in uu la shaqeyn doono gudoomiyaha cusub. Guddoomiyaha xilka ku guuleystay Md. Maxamuud Cabdikariin Gabeyre oo madasha ka hadlay ayaa isagana ballan qaaday in uu sii wadi doono horumarinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed sidoo kalena uu xiriir wanaagsan la yeelan doono rugaha ganacsi ee kale. Madaxdii doorashada kasoo qeyb-gashay waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlada Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo madax kale waxaana dhammaantood ay ballan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan. Xigasho: Goobjoog Business

Waxaa dhawaan la filayaa in uu soo bixi doono buuggii lawada sugaye ee Kulmie Business Directory kaa oo ay ku xusnaan doonaa ama ay kamuuqan doonaan in kabada 633 ganacsi oo kahowlgala magaalada muqdisho. Hadaba gancsigaagu yanu seegine bal xafiisyada kulmie gaar. Kulmie Business Directory waxaa maagelisa Shirikadda Daabacaada Signjet

Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay qaadashada shaqaale cusub oo uu qaadanayey Isbitaalka Bullale Specialist Hospital taa oo kadhacay xarunta tabarada machadka Integrated. Shaqaale u badnaa kuwa kasoo qalinjebiyey jaamacadaha iyo machaadida magaalada muqdisho ayaa u badnaa dadka halkaas ku guuleystay. Tababar gaaban oo loo fidey shaqalahaas ayaa iyana lasoo afjarey iyadoo shaqaalaha lagu barayey anxshaxa shaqada iyo kashaqeynta goobaha caafimaad.

Diiwaanka Ganacsiga Soomaaliya oo hawada toos u galay

SOMALI BUSINESS DIRECTORY Shirkadda KULMIE.com oo maamusha diiwaanka ganacsiga Soomaaliya ayaa waxay sare u qaaday xawaaraha diiwaan gelinta shirkadaha iyo hay’adaha ganacsi ee Soomaaliya ka jira iyadoo loo sahlayo dhamaan adeeg bixiyayaashu inay xogtooda ku faafiyaan bogga KULMIE.com si ay ugu sahlanaato macaamiisha inay helaan xogta ganacsiyada dalka ka jira. Bartan diiwaanka ganacsiga ee KULMIE Somali Business Directory ayaa waxaa maalgeliyay shirkadda daabacaadda xayeysiinta ganacsiga ee SIGNJET ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho. Hadaba soo gaar oo ha ka dib dhicin diiwaan gelinta ganacsigaaga. Buugga Ganacsiga Waxaa dhowaan soo baxaya buug kuusoo bandhigaya shirkadaha fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho waxaana shirkadaha isdiiwaan geliyay u sahlanaan doonta inay macaamiishooda si fudud u gaaraan iyadoo buugga lagu soo qorayo magaca shirkadda, halka ay ku taallo, taleefanka lagala xiriiri karo iyo waliba adeegyada ay shirkaddu bixiso. Hadaba soo gaar!  

Xaflad Sanadguuro Moumin Group of Companies

Sanadguurada Moumin Group of Companies 20-ka Jan 2017 Waxaa dhawaan Huteelka Al Furaat Lagu qabtay sanadguuradii 34aad ee shirkadda Moumin Group of Companies 2016-2017 waxaana ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee ka howlgala Shirkadda Moumin Group, waxaana sidoo kale lagu martiqaaday martisharaf farabadan oo kakala yimid Qeybaha kala duwan ee bulashdada  rayidka iyo ganacsiyada Gobolka Banadir. Masuuliyiin goobta kahadlay ayaad aad u amaaney waxqabadka Shirkadda iyaga oo sidoo kalena u soo jeediyey ra’yiyo kala duwan oo waxtar u leh shirkadda.